Guddoomiyaha SHA oo ka hadlay eedeymo uga yimid ururka RUPHA

0
138

Guddoomiyaha caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA Dr. Cabdi Maxamad ayaa ka jawaabay eedeymo uga yimid ururka ay ku mideysan yihiin isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yaalla degmooyinka iyo magaalooyinka waawayn ee RUPHA.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha ururkan Dr. Brian Lishenga uu shaaciyay in laga billaabo maanta aynan bixin doonin adeegyada lagu helo caymiska caafimaadka bulshada ee (SHA).
Guddoomiyaha ayaa xusay in si joogto ah la iskaga indha-tiray xallinta caqabadaha ku gadaaman SHA.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay halis gelinaysa nolosha bukaannada.
Dr. Lishenga ayaa xusay in boqolkiiba 54 ee isbitaallada aynan helin lacagaha caymiska .
Waxaa uu intaasi ku daray in boqolkiiba 89 ee xarumaha caafimaadka ay soo tabiyeen cilladaha barta SHA.
Sidoo kale , waxaa uu sheegay in boqolkiiba 83 ee maamullada isbitaallada ay cabasho ka muujiyeen in ay dhibaatooyin adag kala kulmayaan xaqiijinta in qofka bukaanka ah uu u qalmo in lagu daaweeyo caymiskan , culeysyo dhanka hannaanka ah oo jiro awgood.
Hasa ahaate, guddoomiyaha caymiska SHA oo u warramayay warbaahinta NTV ayaa caddeeyay in lagu howlan yahay xaqiijinta lacagaha ka hor inta aan la bixin.
RUPHA ayaa horay u sheegtay in dowladda ay ku leeyihiin 30 bilyan oo shilin maadaama ay u adeegeen bukaanno isticmaalayay caymiskii la beddelay ee NHIF.
Waxaa uu Dr. Cabdi Maxamad hoosta ka xarriiqay in lacagaha uu ururkan sheeganaya ay yihiin kuwo hore balse aynan ahayn kuwo hadda lagu leeyahay caymiska uu hoggaamiyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in laga soo billaabo bishii Tobnaad ee sanadkii hore ilaa bishii Jannaayo ee sanadkan ay bixiyeen dhammaan 17.5 bilyan oo ahaa lacago lagu yeeshay SHIF.