Ciidamada booliiska ee degmada Kitengela ee ismaamulka Kajiado ayaa raadinaya nin ku eedeysan inuu saddex mar toorriyeeyay xaaskiisa ka hor inta uunan ka tuurin dabaqa saddexaad ee dhismaha ay ku nool yihiin.
Tuhmanaha oo 37 sano jir ah ayaa lagu magacaabaa Kevin Onyango wuxuuna ka mid yahay wadeyaasha mooto bajaajta.
Dariska ayaa haweeneyda geeyay isbitaalka oo lagu daaweynaya iyadoo ciidamada booliiska ay baaritaanno wadaan.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha dhacdadaasi ayaa warbaahinta u sheegay in lamaanaha ay markii hore murmeen ka hor inta aan haweeneyda la dhibaateyn oo uunan eedeysanaha goobta ka baxsan.
Taliyaha booliiska ee Isinya Patrick Manyasi ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan falalka tacaddiga jinsiyadeed.