Waxaa galinkii hore ee maanta boqortooyada Sacuudi Carabiya gaaray xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio.
Waxaa uu ku biiraya saraakiisha kala matalaya Maraykanka iyo Ruushka ee halkaasi ku sugan ka hor inta aynan kulmin hoggaamiyaasha labada waddan ee kala ah Donald Trump iyo Vladimir Putin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov uu isna ku wajahan yahay Sacuudi Carabiya.