Hoggaamiyaasha Midowga Yurub ee EU-da ayaa shir ku yeelanaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid degdeg ah oo looga arrinsanaya qorshaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku doonaya in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay jirto cabsi ku aaddan in Midowga Yurub aan laga qayb gelin wada hadallada ka dhexeynaya Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin oo ka qabsoomi doono boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu ciidamo u diro Ukraine si ay u dhaqan geliyaan heshiis kasta oo nabadeed oo la gaaro.