Israa’iil iyo Xamaas oo markii 6-aad maxaabiis isdhaafsaday

0
330

Israa’iil iyo Xamaas ayaa sameeyay is dhaafsigoodii 6-aad ee maxbuusta, iyadoo 3 qof oo lagu hayay Qaza la siidaayay.
Waxaa sidoo kale la siidaayay 369 qof oo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil.
4 ka mid ah Falastiiniyiinta lagu sii daayay Daanta Galbeed ee la haysto ee ayaa xaaladoodu aad u liidatay waxaana la dhigay isbitaal, halka qaar kalena ay sheegeen in ciidamada Israa’iil ay weerar iyo aflagaaddo u geysteen tan iyo xilliga xabsiga laga sii daaynayay.
Dhanka kale ,Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa gaaray magaalada Tel Aviv.
Waxaa uu socdaalkiisa qayb ka yahay safar 6 maalmood ah oo uu ku marayo bariga dhexe si uu ugala hadlo horumarinta heshiiska xabbad joojinta Qaza iyo xakameynta saameynta Iiraan.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay in 48,239 qof ay ku dhinteen dagaalka Israa’iil ee Qaza, halka 111,676 qof ay ku dhaawacmeen.
Xafiiska Warbaahinta Dowladda Qaza ayaa tirada dhimashada ee uu cusboonaysiiyay ku sheegay ugu yaraan 61,709 qof, iyaga oo xusay in kumannaan kun oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.