Kainerugaba oo ku hanjabay inuu weerari doono magaala ku taalla Congo

0
389

Taliyaha ciidamada difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal uu bartiisa X soo dhigay ku sheegay in ciidamada Uganda ay weerari doonaan magaalada Bunia ee dariska la ah dalkaasi ee dhacda Bariga Congo haddii aysan “dhammaan ciidamada” halkaasi ku soo dhiibin hubkooda 24 saac gudahood.
Kainerugaba, oo taariikh u leh inuu soo bandhigo faallooyin kicinaya siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa sheegay inuu amar ka haysto madaxweyne Yoweri Museveni, oo sidoo kale ah aabihiis.
Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay inuusan ka hadli karin arrintan.
Horraantii shalay ayuu Kainerugaba sheegay in dad ka soo jeeda qowmiyadda Bahima lagu dilay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo in kastoo uunan tani caddeyn.
Ra’iisul wasaaraha Congo Judith Suminwa ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters iyadoo ka qeyb galaysa shir madaxeedka Midowga Afrika sabtidii in dowladeeda aysan “wax hadal ah ka bixin” hadalka Kainerugaba.
Hanjabaadda ka soo yeertay sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Uganda oo dad badan ay rumeysan yihiin inuu yahay dhaxal sugaha Museveni, ayaa waxaa ay kicisay cabsi laga qabo in isku dhac dhexmara ciidamada Congo iyo falaagada M23 ee ay Rwanda taageerto uu ka qarxo dagaal ballaaran ee gobolka.
Hoggaamiyaha M23 ayaa Jimcihii sheegay in fallaagada ay galeen magaalada Bukavu, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ka dib markii ay qabsadeen Goma dhammaadkii bishii hore.