Ugu yaraan 5 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Afghanistan

0
540

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 5 ruux halka 7 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii ay maanta bambo ku qaraxday meel u dhow laanta bangiga Kabul Bank ee ku taalla gobolka Kunduz, Waqooyiga Bari ee dalka Afghanistan.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in dadka ku dhintay qaraxa iyo kuwa ku dhaawacmay ay isugu jiraan ilaallada bangiga iyo rayid.
Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.