Israa’iil oo 40,000 oo qof ku barakicisay Daanta Galbeed

0
456

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee (UNRWA) ayaa sheegtay in howlgallada ay Israa’iil ka wado Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin ay ku barakaceen 40,000 oo ruux tan iyo bishii hore.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo militariga Israa’iil ay maanta fuliyeen howlgallo dheeraad ah.
Waxaa howlgallada laga sameeyay xerada qaxootiga ee Jenin halkaasi oo saddex qof lagu xiray.
Sidoo kale , in ka badan 12 guriyo ah ayaa lagu burburiyay labo aag oo u dhow magaalada Hebron.
Hay’adda UNRWA ayaa intaasi ku dartay in ciidamada Israa’iil ay meelo cidlo ku dhow ka dhigeen xeryaha qaxootiga ee Jenin, Tulkarem, Nur Shams iyo Far’a.
Waxaa ay xerooyinkan hooy u ahaayeen 76,600 qof oo ah qaxooti u dhashay Falastiin.
Hay’addan ayaa xustay in sanadkan 2025-ka, Israa’iil ay fulisay 38 ah weerarrada dhanka cirka oo lagu bartilmaameedsaday Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin.