Koox looga shakisan yahay Al Shabaab ayaa lagu soo waramaya in Gaari ay saarnaayeen 5 guddoomiye xaafadeed ama Chiefaf ah oo ku sii jeeday magaalada Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera ay ku afduubteen maanta inta u dhexeysa deegaannada Bamba Owla iyo Ires Suki ee Koonfurta dowlad deegaanka Mandera.
Guddoomiyaha ammaanka u qaabilsan dowlada dhexe ee dalka gobolka Waqooyi Bari John Otieno ayaa sheegay in shanta qof ay ku wajahnaayeen Ceelwaaq markii laga afduubtay inta u dhaxeysa Bamba Owla iyo Ires Suki.
Sida uu sheegay taliyaha Booliska ee Gobolkaas , koox amni oo wadajir ah ayaa la geeyay aagga uu afduubka ka dhacay si ay uga daba tagaan afduubayaasha.
Dhacdadan ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in madaxweynaha dalka William Ruto uu bilaabo socdaal todobaadle ah oo uu ku marayo gobolka Waqooyi Bari, taas oo qayb ka ah dadaallada la doonayo in Lagu fuliyo mashaaric hormarineed .
Madaxweynaha oo uu wehlin doono ku xigeenkiisa Kithure Kindiki, ayaa lagu wadaa in uu booqdo ismaamulada Mandera, Garissa, iyo Wajeer oo la filayo in uu soo qiimeeyo mashaariicda socda marka laga soo tago la kulanka madaxda deegaanka.