Wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa shalay sheegtay in ugu yaraan 773 meyd ay yaalan qaybta meydadka isbitaallada ku yaalla magaalada Goma iyo nawaaxigeeda.
Waxaa ay intaasi ku dartay in 2,880 oo dhaawac ah la diiwaan geliyay intii u dhexaysay 26-kii Janaayo iyo 30-kii bishaasi.
Fallaagada M23 ayaa Talaadadii la wareegay magaalada Goma oo ah magaalada ugu weyn bariga Congo, isla markaana ah caasimadda gobolka Waqooyiga Kivu, halkaasoo caan ku eh macdanta laga sameeyo elektorooniga.