DHAGEYSO: Xildhibaannada oo Douglas Kanja ugu baaqay in uu xafiiska banneeyo

0
606

Waxaa isa soo taraya cadaadiska ah in Taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja uu is casilo iyadoo hoggaamiyayaasha ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin habka uu u maareeyay kiisaska sii kordhay ee afduubka.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Waqooyiga Laikipia Sarah Korere iyo dhiggeeda deegaan barlamaaneedka Kilgoris Julius Sunkuli ayaa ku eedeeyay dowladda inay ku guul darreysatay inay wax ka qabato falkan sharci darrada ah.
Hoggaamiyayaasha ayaa sidoo kale farta ku fiiqay Taliyaha guud ee booliiska Douglas Kanja iyo Agaasimaha guud ee Adeegga Sirdoonka Qaranka (NIS) Nuurrdiin Xaaji oo ay ku eedeeyeen dayacaad iyo inay ka gaabiyeen inay wax ka qabtaan khatarta muuqata.
Waxaa ay carrabka ku dhufteen in la soo bandhigo dadkii ka dambeeyay afduubka iyo dhibbanayaasha nolol ama geeri.
Xildhibaannada ayaa xusay in dadka laga shakisan yahay la horkeeno maxkamadda islamarkaana lagu soo oogo dambi kasta oo ay galeen balse aan lagu hayn meelo qarsoon.

Hadalkan ayay jeediyeen xildhibaannada xilli ay ku sugnaayeen munaasabad lagu daah furayay dhismo casri ah oo loo dhisayo dugsiga sare ee Amani Sosian ee degmada Sosian ee waqooyiga Laikipia.
Madaxda oo uu garab taagnaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka qaranka Francis Ole Kaparo ayaa ku baaqay in la mideeyo hadafka hoggaamiyayaasha la soo doortay iyadoo uu sare u kacaya heerkulka siyaasadeed ka hor doorashada guud ee 2027.
Waxay xuseen in la joogo wakhtigii adeegyada loo fidin lahaa dadka oo aan la joogin xilligii la raadin lahaa dib u habayn siyaasadeed si loo fuliyo dano shakhsiyeed.
Mas’uuliyiintan ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in dowladda laga taageero sidii ay dadweynaha wax ugu qaban lahayd.
Waxay qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ku eedeeyeen in ay isku dayayaan in ay kenyaanka ku kala qaybiyaan qaab qabiil iyagoo tilmaamay in tani aynan la jaanqaadeyn nabadgalyada waddanka ka jirtay sanado badan.