Waxaa lagu soo warramayaa in qof looga shakiyay inuu ka mid yahay xubnaha kooxda horay loo mamnuucay ee Mungiki in looga takhalusay deegaanka hoose ee Murinduko ee Bariga Mwea ee ismaamulka Kirinyaga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qofkan dab la qabadsiiyay halka dhowr kale oo la tuhmaya ay goobta ka baxsadeen.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 500 oo qof ay burcaddan eryeen iyagoo gubay ilaa 7 guri.
Shacabka ayaa sheegay in ugu yaraan 30 xubnood ay halkaasi ku noolaayeen halkaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weerarrada.
Ku xigeenka guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Bariga deegaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga Fred Ayieko ayaa sheegay in ay hadda baarayaan sidii ay wax u dheceen oo ay dib faahfaahin ka bixin doonaan.