Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa mas’uulkii ka horreeyay Rigathi Gachagua uga digay dhalleceynta dowladda .
Xilli uu mas’uuliyiinta ismaamulka Tharaka Nithi kula kulmay magaalada Nairobi ayuu Kindiki waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Gachagua ee ahaa in ay ku dadaalayaan si uunan madaxweyne William Ruto mar labaad ugu guulaysan hoggaanka waddanka.
Kindiki ayaa dhanka kale ammaanay waxqabadka maamulka madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu sheegay in labadii sano ee uu Ruto qaranka hoggaaminayay in ay jiraan waxyaabo badan oo u qabsoomay.
Waxaa uu Gachagua u sheegay in uunan marnaba cabsi gelin karin mas’uuliyiinta sare ee dowladda.