DHAGEYSO: Kenyaanka oo baaq u diray xubnaha loo dhaariyay in ay shaqaaleysiiyaan saraakiisha sare ee IEBC

0
417

Qaar ka mid ah shacabka kenya ayaa baaq u diray xubnaha guddiga loo xil saaray inuu shaqaaleysiiyo saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC.
Shalay ayay ahayd markii shakhsiyaadkan oo kala ah Kiome Lindah Gakii, Adams Oloo, James Evans Misati, Nicodemus Kipchirchir Bore, Koki Muli iyo Nelson Makanda xilalkooda loo dhaariyay.
Dadweynaha ayaa xubnahan ka codsaday in ay jagooyinka sare ee IEBC u soo xushaan dad hufnaan leh oo ay ka go’an tahay in ay si madax bannaan u gutaan waajibaadkooda shaqo iyagoo aan tixgelin dano siyaasadeed oo gaar ah.