8 maxaabiis ah oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Taita Taveta

0
434

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Taita Taveta ayaa raadinaya 8 maxaabiis ah.
Waxay maxaabiistan ku xirnaayeen oo ay ka baxsadeen xabsiga degmada Wundanyi.
Booliiska ayaa sheegay in shakhsiyaadkan loo haystay dembiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dilal iyo kufsi.
Ciidamada ayaa cid kasta oo haysa macluumaadka maxaabiista baxsaday ka codsaday in ay la soo xiriirto si gacanta loogu soo dhigo.