Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in xiriirka dibloomaasiyadeed ee ka dhexeeya Kenya iyo Maraykanka uu sii adkaan doono iyadoo uu dhawaan hoggaanka qabtay Donald Trump.
Waxaa uu xusay in siyaasadaha maamulka Trump ay yihiin kuwo la jaanqaadaya kuwa Kenya.
Ruto ayaa soo dhaweeyay oo bogaadiyay amarkii madaxweyne ee uu Trump saxiixay kaasi oo faraya in dowladda Maraykanka ay aqoonsan tahay jiritaanka labo jinsiyadood oo kala ah rag iyo dumar keliya.
Xilli uu maanta ka qayb galay munaasabad kaniiseed oo lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ayuu madaxweyne William Ruto sheegay in go’aanka Trump uu yahay mid taageeraya waxa ay kenyaanka diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aaminsan yihiin.
Sidoo kale , waxaa uu sheegay in maamulka cusub ee Maraykanka uu taageeraya howlgalka amni ee dalka Haiti ee ay Kenya hoggaaminaysa.
Dhanka kale, madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo Algeria ay sii xoojin doonaan iskaashiga sanado badan ka dhexeeyay ee dhinacyada ganacsiga , maalgashiga iyo isdhexgalka bulsho.
Waxaa uu dhambbaal ka guddoomay dhiggiisa Algeria Abdelmadjid Tebboune.
Madaxweynaha ayaa qoraal ku sheegay in farriintan uu siday ergayga gaarka ah ee madaxweynaha dalkaasi ahna wasiirka isgaarsiinta Maxamad Meziane oo uu ku qaabilay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa ergeyga wehelinaysay musharraxa Algeria ku matalaysa u tartamidda xilka guddoomiye ku xigeenka guddiga Midowga Afrika Ambasadoor Selma Hadadi.