Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo oo uu weheliyo dhiggiisa wasaaradda deegaanka iyo kaymaha Gitonga Mugambi ayaa tagay ismaamulka Isiolo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay soo qiimeynayeen dadaalladii la geliyay in la demiyo dab halkaasi ka kacay 17-kii bishan oo faafay.
Omollo ayaa bayaan ku sheegay in dabka uu baabi’yay dhul daaqsimeed dhan 2,500 oo hektar , degmooyinka Cherab iyo Garbatula .
Xoghayaha oo ka digay in si taxaddar la’aan ah dab loo shido ayaa xusay in meelaha ugu badan ee ay saameynta soo gaartay ay yihiin Sericho, Bandana, Dadacha Basa, Eleturku, iyo Merti oo qiyaastii 300 oo kiilomitir u jira magaalada Isiolo.
Raymond Omollo ayaa xaqiijiyay in uunan jirin qof ku dhintay dabka .
Waxaa uu intaasi ku daray in ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinaya in dabka uu ka dhashay xoolo dhaqato isku dayayey in ay marin u furaan xoolahooda iyo qaar ka mid ah dadka ka ganacsada soo saaridda malabka.
Xoghayaha ayaa wacad ku maray in marka baaritaannada la soo gabagabeeyo ka dib , tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo arrintaasi ka dambeysay.