In ka badan 630 baabuur oo siday sahay bini’aadantinimo ayaa galay marinka Gaza Axadii, iyadoo ugu yaraan 300 oo ka mid ah ay u socdaaleen dhulka go’doonsanaa ee la duqeeyay waqooyiga Qaza, sida uu sheegay madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher.
Kadib 15 bilood oo dagaal aan joogsi lahayn, baahida bini’aadantinimo waa mid aad u liidata,ayuu yiri Fletcher .
Falastiiniyiinta ayaa hadda isku dayaya inay dib u dhistaan noloshooda iyo guryahoodii, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku burbureen duqeynta.