Hanti ku burburtay dab ka kacay dukaamo ku yaala ismaamulka Uasin Gishu

0
254

Hanti qiimihiisu gaarayo malaayiin shilin ayaa ku burburay dab maanta oo sabti ah ka kacay aagga Moi’s bridge ee ismaamulka Uasin Gishu.
Dabkan oo la tuhunsan yahay inuu ka dhashay cilad koronto oo ka dhacday mid ka mid ah dukaamada, ayaa ku fiday dukaan u dhow oo lagu iibinayay gaaska, taasoo qaraxyo dhalisay siina hurisay dabka.
In ka badan 50 dukaan ayaa ku burburay dhacdadan , iyadoo dadkii ay xisaabinayaan khasaaraha baaxadda weyn ee ka soo gaartay dabkaas.
Maamulka Trans-Nzoia ayaa u soo gurmaday dadkii uu saameeyay dabkan kaasi oo si xowli ah ugu fidayay qeybo kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa ugu mahadceliyay dowlada ismaamulka Trans-Nzoia sida ay u garab istaageen .