Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.
Ra’iisul WasaarahaXamsa, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hey’addaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hey’addaha caddaaladda dalka.
Dhankiisa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa sheegay Dhismaha maanta uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaaruhu uu ka koobnaan doonaa saddex dabaq iyo 20 xafiis oo ay ku shaqeyn doonaan howlwadeennada Garsoorka Dalka Soomaaliya.