Saddexdii wasiir oo uu dhawaan madaxweyne William Ruto u magacaabay qayba kala duwan ee golaha wasiirrada ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee State House lagu dhaariyay.
Saddexdan ayaa kala ah Mutahi Kagwe oo loo igmaday inuu hoggaamiyo wasaaradda Beeraha iyo xanaannada xoolaha , Lee Kinyanjui oo loo magacaabay wasaaradda Ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha , sidoo kale dhiggiisa Isgaariinta , tiknolojiyadda iyo dhaqaalaha casriga ah William Kabogo.
Madaxweyne Ruto ayaa ugu baaqay saddexdan wasiir in ay dhaqan galiyaan ajeendaha isbeddelka dhaqaalaha ee Bottom-up Economic Transformation Agenda (BETA) ee socda.
Waxaa uu kalsooni u muujiyay saddexda wasiir ee cusub oo uu kula taliyay in ay khibraddooda ballaaran u adeegsadaan waajibaadkooda ayna si hufan u gutaan mas’uuliyadda.
Saddexdan ayaa la magacaabay ka dib isku shaandhayn u sameeyay hoggaamiyaha qaranka William Ruto bishii hore taas oo qayb ka ah dadaallada loo dhan yahay ee kor u qaadista midnimada qaran.
Kagwe ayaa dib ugu soo laabtay golaha wasiirrada ka dib markii uu ka soo shaqeeyay xukuumadii madaxwaynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta taasi oo uu ka ahaa wasiirka caafimaadka.
Kinyanjui ayaa barasaab hal xilli ah ka soo noqday ismaamulka Nakuru ka hor inta uusan guuldarro kala kulmin Susan Kihika doorashadii guud ee 2022-dii.
William Kabogo oo soo noqday guddoomiyaha ismaamulka Kiambu intii u dhexeysay sanadkii 2013-kii ilaa 2017-kii ayaa hadda la wareegi doona hoggaanka wasaaradda Isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda isagoo qorsheynaya inuu xoojiyo sharciyada ilaalinta isdhaxgalka ee baraha bulshada ee waddanka.