Dembi baarayaal ka tirsan guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa fiidnimadii xalay xabsiga u taxaabay 8 qof oo ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee dowladda ismaamulka Tana River.
8-dan ruux iyo kuwa kale ayaa lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah u bixiyeen qandaraas uu qiimihiisu yahay ilaa 9 milyan oo shillin.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa ka mid ah madaxii hore ee adeegga dadweynaha Fatuma Zahra, maamulihii hore ee maareynta saadka Abashora Swaleh Salad, kormeeraha dhismaha waaxda howlaha guud Cali Dhidha Xuseen iyo Issa Funani Bere oo ahaa madaxa sare ee maamulka saadka.
Tuhmaneyaasha kale ayaa ah saraakiisha maareynta saadka Maxamad Natse iyo Kevin Simiyu Wafula, kormeeraha Waaxda hawlaha guud Fatuma Napasha Xuseen -Electro, iyo agaasime ka tirsan shirkadda dhismaha ee Al-Karim, oo ka mid ah shirkadaha qandaraaska lagu siiyay inay deyraan xafiisyada duurjoogta iyo guryaha shaqaalaha magaalada Hola.
6 ka mid ah tuhmaneyaasha ayaa lagu xiray saldhigga booliiska ee Malindi halkaas oo si weyn loo adkeeyay ammaankooda ilaa laga keenay Hola.
Labada tuhmane ee soo haray ayaa lagu xiray ismaamulka Lamu.
Eedeysanayaashan oo ka mid ahaa 14-ka qof oo kiiskan loo haystay, ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah la soo taago maxkamadda sare ee magaaladda Hola.
Waxaa lagu soo oogi doonaa shan dambi, oo kala ah: ku lug yeelashada mashruuc aan horay loo qorsheyn, ku dhaqanka wax soo iibsasho been-abuur ah, dambiga musuq-maasuqa iyo inay si bareer ah ugu hoggaansami waayeen shuruucda wax iibsiga.
Afhayeenka guddiga EACC-da Eric Ngumbi oo xaqiijiyay xarigga mas’uuliyiintan hore ayaa sharraxay in xafiiska sare ee EACC ee gobolka xeebta uu howlgal ka sameeyay ismaamullada Tana River iyo Lamu ka dib markii uu soo bandhigay khaladaad la xiriira bixinta qandaraaska ee shirkadda Al-Karim General Construction Company.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu guddiga ku daba jiro 6-da eedeysane ee soo haray oo ka kooban hal sarkaal sare oo ka tirsan maamulka iskuxirka saadka iyo 5 agaasimayaal oo ka tirsan shirkadda dhismaha ee Al-kariim.
Ngumbi ayaa sidoo kale ku boorriyay dadkan inay isku soo dhiibaan mas’uuliyiinta u xil saaran arrintan.