Wasiirka wasaaradda biyaha iyo waraabka ee dalka Eric Muuga ayaa shaaciyay in loo baahan yahay lacag dhan 995 bilyan oo shilin si qof waliba oo kenyaan ah uu biyo u helo.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhaqaalahan loo adeegsanaya in la dhiso ilo-biyood ku filan qoys kasta.
Waxaa uu Eric Muuga sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay dejisay qorsho joogto ah oo lagula tacaalaya caqabadaha dhanka biyaha.
Wasiirka ayaa sheegay in Kenya ay ka jirto biyo yari wuxuuna xusay in mashaariicda qorsheysan uu ka mid yahay barnaamijka Geeska Afrika ee lagu xaqiijinaya in ugu yaraan 400 oo ceelal ah laga hirgeliyo Waqooyiga Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxaa uu intaasi ku daray in Bangiga Adduunka uu ballan qaaday inuu fulinta mashruucan ku biirin doono 49.8 bilyan oo shilin.