Wasiirka magacaaban ee beeraha oo la turxaan bixiyay

0
226

Waxaa maanta guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda hor tagay Mutahi Kagwe oo uu madaxweyne William Ruto u soo xushay inuu noqdo wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka.
Kagwe oo la waydiiyay su’aal ahayd sida uu ula tacaali doono dadka ka faa’iidaysta wax soo saarka beeralayda iyo xoolo dhaqatada ayaa ku jawaabay inuu adeegsan doono wada tashi ballaaran oo lala yeelanaya beeralayda soo saarta qaxwada, caleenta shaaha iyo kuwa kale.
Waxaa uu cadeeyay inuu diyaar u yahay la dagaallanka cid kasta oo ku howlan in ay dano gaar ah uga faa’iidaysato wax soo saarka beeralayda.
Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in wax soo saarka beeraha laga dhigo mid soo jiidasho leh si dhallinyarada loogu dhiirrigeliyo in ay maalgashadaan.
Qorshaha Kagwe haddii uu baarlamaanka ansixiyo magacaabidiisa waxaa ka mid ah in la fududeeyo lahaanshaha dhulalka oo uu ku tilmaamay hanti muhiim u ah wax soo saarka beeraha.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay dhulalkeeda ijaari karta oo ayna ka faa’iidaysan karta iskaashi kala dhexeeya waaxyaha gaarka ah.
Mutahi Kagwe ayaa sheegay in ay jiraan dhulal badan oo ay leeyihiin maamullada sida waaxda horumarinta beeraha ee dalka ee (ADC) oo laga faa’iidi karo.
Waxaa uu sidoo kale xusay inuu la tashan doono khuburrada arrimaha beeraha iyo xannaannada xoolaha sidoo kalena go’aamada ay wasaaraddu qaadanaysa loo bandhigi doono maamullada dastuuriga ee ay ka midka yihiin baarlamaanka iyo aqalka sare.
Mutahi Kagwe oo tusaale u soo qaadanayay xilligii cudurkii COVID-19 ee uu ahaa wasiirka caafimaadka dalka ayaa sheegay in uu jiri doono hannaan wanaagsan oo dhanka isgaarsiinta ah oo loo maraya warbaahinta caadiga iyo baraha bulshada.
Wuxuu sheegay inuu ku dadaali doono in beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ay xilliga habboon helaan xogaha ay u baahan yihiin ee dowladda.
Mutahi ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay lagama maarmaan tahay in ay sida wanaagsan u isticmaasho baraha bulshada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay qasab tahay in wasaaradaha dowladda ay wada shaqeeyaan maadaama ay gudanayaan mas’uuliyad wadareed.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in xilligii caabuqa corona ay si dhow ula shaqeynayeen wasaaradaha arrimaha gudaha, gaadiidka iyo waxbarashada.
Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa Mutahi Kagwe waydiiyay waxa uu u qaban doono xoolo dhaqatada iyo fikirkiisa ku aaddan tallaalka xoolaha ee qorsheysan.
Waxaa uu ku jawaabay in aqoon-kororsi loo fidin doono xoolo dhaqatada tusaale tayada calafka xoolaha la siiyo iyo haragga xoolaha ee la iibiyo.
Sidoo kale , mudanaha deegaanka Koonfurta Pokot David Pkosing ayaa Kagwe waydiiyay inuu xoolo dhaqatada ku boorrin doono in ay xoolahooda iibiyaan xilliyada adag si aynan abaarta u galaafan iyo in kale.
Kagwe ayaa ku celceliyay inay qasab tahay in la joogteeyo tayada caleenta shaaha ee lagu soo saaro gudaha Kenya.
William Kabogo oo isna loo soo magacaabay wasiirka warfaafinta , isgaarsiinta , tiknolojiyadda iyo dhaqaalaha casriga ah ayaa guddiga hor tagi doono abaare 3-da galabnimo ee maanta halka dhiggiisa ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha Lee Kinyanjui la wareysan doono 5-ta galabnimo.
Turxaan bixinta ayaa ah mid lagu xaqiijinaya aqoonta , khibradda shaqo , kartida , hufnaanta iyo u diyaar garowga gudashada waajibaadka qaran ee wasiirrada magacaaban loo igmaday.