Madaxweynaha dalka oo u ambabaxay Imaaraadka

0
269

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa galabta u safray waddanka Isu tagga Imaaraatka Carabta ee UAE-da.
Waxaa uu magaalada Abu Dhabi ugu qayb galaya shir heerkiisu sarreeyo oo ah madal heer sare ah oo ay ka soo qayb galayaan hoggaamiyeyaasha adduunka si loo horumariyo ajendaha waara ee caalamiga ah.
Madaxweynaha dalka ayaa lagu wadaa inuu khudbad halkaasi ka jeediyo inta lagu guda jiro furitaanka shirkaasi, kaas oo hal ku dhiggiisu yahay sahaminta isbeddelka tamarta ee caalamka.
Waxaa uu madaxweyne Ruto iftiimin doonaa hoggaanka Kenya ee tamarta la cusboonaysiin karo iyo fursadaha iskaashiga caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha tamarta.
William Ruto ayaa sidoo kale wada hadallo heer sare ah oo labo geesood ah la yeelan doona madaxda ugu muhiimsan caalamka oo ay ka mid yihiin amiirka Imaaraadka Sheekh Maxamad bin Zayed Al Nahyan iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Malaysia Anwar Ibraahim.
Wada hadalladan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga dhinacyada tamarta, ganacsiga, maalgashiga iyo tignoolajiyadda, kuwaas oo ah tiirarka muhiimka ah ee ajendaha isbeddelka dhaqaale ee Kenya.
Kenya iyo Imaaraadka ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiis iskaashi oo dhanka dhaqaalaha ah, kaasoo kobcin doona ganacsiga, maalgashiga iyo dhinacyada horumarineed ee labada dal.