DHAGEYSO:Kalkaaliyaasha ismaamullada qaar ee dalka oo maanta shaqo joojin guda galay

0
234

Bukaannada booqda xarumaha caafimaadka ee ku yaalla ismaamullada Homa Bay, Kisii iyo Bungoma ayaa walaac muujiyay ka dib markii kalkaaliyaasha ay billaabeen maanta shaqo joojin.
Waxaa hakad galay adeegyadii caafimaadka ee halkaasi laga bixinayay, iyadoo kalkaaliyaasha ay wacad ku mareen in aysan shaqada dib ugu laaban doonin ilaa laga xalliyo tabashadooda.
Kaalkaaliyaashan ayaa sidoo kale ismaamulladaasi dibadbax ka dhigay.
Xubnaha ururka qaran ee kalkaaliyaasha dalka ee KNUN ayaa doonaya in dowladda ay fuliso qodobbo lagu heshiiyay.
Waxay doonayaan in kalkaaliyayaasha qandaraaska ku shaqeeya si joogta ah loo shaqaaleysiiyo.

Dhanka kale, qaar ka mid ah bukaannadi maanta booqday xarumaha caafimaadka ee dowlad deegaannada Homa Bay, Kisii iyo Bungoma ayaa warbaahinta dareenkooda la wadaagay.