Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray hadallo ay jeediyeen qaar ka mid ah shakhsiyaadka dhaliila kuwaasi oo sheegay inuu waddanka hoggaamin doono hal muddo xileed oo keliya oo aan dib loo soo dooran doonin.
Xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay deegaanka Waqooyiga Dagoretti ee ismaamulka Nairobi ayuu sheegay in keliya Alle uu go’aamiyo cidda Kenya hoggaaminaysa.
Waxaa uu tilmaamay in laga hadlaya muddo xileedyo kala duwan balse sanado ka hor ay jireen dad aaminsanaa in uunan xita hoggaanka dalka qaban doonin.
William Ruto ayaa xusay inuu ku faanaya inuu yahay madaxweynaha Kenya oo uuna ka mahadcelinaya fursadda uu u helay u adeegidda qaranka si uu isbeddel u sameeyo taasi oo uu carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ku baaqay midnimo iyo iskaashi loo dhan yahay iyadoo aan lagu kala qaybsamin siyaasad, diin mise gobol ahaan.
Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la midoobo dhammaan mas’uuliyiinta kale.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo beeniyay inuu talada hayn doono hal muddo xileed keliya