Wasiirka adeegga dadweynaha oo ku baaqay in laga wada hadlo xallinta afduubyada

0
301

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Justin Muturi ayaa shir jaraaid oo uu qabtay waxaa uu ku baaqay wada xaajood qaran oo looga arrinsanaya dhacdooyinka afduubyada ee ku soo kordhay Kenya.
Muturi ayaa walaac ka muujiyay falalkan isagoo nasiib darro ku tilmaamay in kenyaanka la afduubaya dhanka kalena aynan booliiska wax tallaabo ah qaadin in kastoo ay iska fogeeyeen ku lug lahaanshaha dhacdooyinkan.
Hay’adaha u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa diiwaangeliyay in tan iyo bishii 6-aad ee sanadkii hore la waayay ugu yaraan 40 qof.
7 dhallinyaro ah ayaa la soo tabiyay in la afduubtay bishii hore in kastoo markii dambe 5 ka mid ah la soo siidaayay.
Justin Muturi ayaa sheegay in ay qasab tahay in la yeesho wada hadal qaran oo arrintan ku aaddan maadaama sida uu hadalka u dhigay ay faraha ka baxaysa.
Waxaa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay madal furan oo xita dadka la afduubtay ay si xor ah uga hadli karaan waxyaabihii ay la kulmeen.
Wasiirka adeegga dadweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay inuu dalbanaya in tallaabo laga qaado cidii afduubyada gaysatay.
Justin Muturi ayaa tusaale u soo qaatay in wiilkiisa la afduubtay 6 bilood ka hor ka dibna la soo siidaayay iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in kastoo uu xilligaasi ahaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka , xiriirna uu la lahaa adeegga qaran ee sirdoonka in afduubkaasi aan wax jawaab ah laga siin.
Waxaa uu xusay in ay doonayaan in la ogaado cidda falalkan gaysanaysa.
Justin Muturi ayaa dowladda kula taliyay in ay ka dhabeyso ballan qaadkii ahaa in la soo afjari doono dilalka sharci darrada ah iyo afduubyada.
Waxaa uu cadeeyay in falalka noocani ah ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka.