Maxkamadda sare oo sheegtay in qofka oo isku dayo inuu is dilo aynan dembi ka ahayn gudaha Kenya

0
589

Maxkamadda sare ee magaalada Nairobi ayaa go’aamisay in qofka oo isku dayo inuu is dilo aynan ahayn dembi loo ciqaabi karo.
Garsoore Lawrence Mugambi oo xukunkan soo saaray ayaa hoosta ka xarriiqay in qodobka xeerka ciqaabta ee dambiga ka dhigaya falkaasi uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn.
Mr. Mugambi ayaa carrabka ku dhuftay in qodobka 226-aad ee xeerka ciqaabta uu xadgudub ku yahay xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha ee uu qeexaya dastuurka Kenya.
Qodobkan ayaa dhigaya in qof kasta oo isku daya inuu is dilo uu dambi galay oo uu mutaysanayo xarig ah labo sano, ganaax ama labaduba.
Si gaar ah, garsoore Lawrence Mugambi waxaa uu go’aamiyay in qodobkaasi uu ka hor imaanayo qodobbada 27-aad ee sinnaanta iyo ka madax bannaanida takoorka, kan 28-aad ee sharafta aadanaha iyo midka 43-aad ee xaqa caafimaad ee dastuuriga ah.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga qaran ee xuquuqda aadanaha ee dalka KNCHR iyo ururka khuburrada dhanka dhimirka ee Kenya ee KPA oo ay weheliyaan hay’ado kale, ay gudbiyeen codsi ay ku doonayaan in gabi ahaan meesha laga saaro qodobka xeerka ciqaabta ee isku dayga isdilka.
KNCHR iyo KPA ayaa ku dooday inay sharci darro tahay in ciqaab lagu fuliyo dadka ka badbaaday isdilka maadaama ay ku xadgudbeyso xuquuqda dadka dhanka dhimirka ka xanuunsan.
Xukunkan ka hor, Kenya ayaa ka mid ahayd sagaal waddan oo qaarada Afrika ku yaalla oo isku dayga dil uu ahaa dambi.
Dalalka kale ayaa kala ah Ghana, Malawi, Nigeria, Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Suudaan, Tanzania iyo Uganda.