Wadahadallo lagu soo afjaraya colaadda Ukraine oo maanta ka furmaya Turkiga

0
142

Waxaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka billaabanaya wadahadallo la doonaya in lagu soo afjaro duullaanka militari ee uu Ruushku ka wado Ukraine.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la filaya in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uunan ka qayb geli doonin wada hadallada maadaama howshaasi loo xil saaray guddi dhexdhexaadin ah.
Fadhiyada ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee nabadeed oo la doonaya in si toos ah loogu heshiisiiyo Ruushka iyo Ukraine .
Bishii Labaad ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii dowladda Ruushka ay duullaan militari ku qaadday Ukraine.
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dhankiisa sheegay inuu wada hadallada ka qayb geli doono haddii uu dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin halkaasi ku sugan yahay.
Ergada Ruushka ku matalaysa wada xaajoodka waxaa hoggaaminaya Vladimir Medinsky oo ay isku dhow yihiin Putin horayna u soo noqday wasiirkii dhaqanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ergada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee kala ah Steve Witkoff iyo Keith Kellogg ay iyagana qayb ka yihiin wada xaajoodyada nabadeed ee ka furmaya dalka Turkiga.