Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa lagu wadaa inuu maanta shaaca ka qaado natiijada imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ee sanadkii 2024-kii.
Waxaa natiijada lagu soo bandhigi doonaa daarta Mitihani House, ee xaafadda South C ee ismaamulka Nairobi oo ah xarunta dhexe ee golaha imtixaannada qaran ee KNEC.
Bishii hore ayay ahayd markii uu wasiirka sheegay in natiijada lagu dhawaaqi doono toddobaadka labaad ee bishan Jannaayo.
Imtixaanka KCSE-da ee sanadkii hore ayaa billowday 28-kii Oktoobar waxaana u fadhiistay arday dhan 965,501.
Imtixaanka ayaa lagu sameynayay 10,755 xarumood guud ahaan dalka.
Wasiir Ogamba ayaa horay u sheegay in wasaaradda tacliinta ee waddanka ay diiwaangelisay kiisaska wax isdaba marinta dhanka imtixaanaadka oo gaaraya 621.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhacdooyinkan laga soo tabiyay 198 xarumood oo imtixaanka KCSE-da lagu sameynayay.
Dowladda ayaa 2024-kii howlgelisay saraakiil dhan 32,800 si loo xaqiijiyo in uunan dib u dhac ku imaan sixidda warqadaha imtixaanka.
Tirada macallimiinta ee howshan loo xil saaray sanadkii 2023-kii ayaa ahayd 29,876 .