Waxaa la xaqiijiyay in saddex ruux ay ku dhinteen halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen shil diyaaradeed oo laga soo tabiyay Australia.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay soo dhacday diyaaradda xilli ay ka duulaysay meel caan ku ah howlaha dalxiiska.
Diyaaradda Cessna 208 oo si gaar ah loo leeyahay ayaa ku dhacday badda xilli ay ka duulaysay jasiiradda Rottnest oo qiyaastii 30 kiilomitir u jirta galbeedka magaalada Perth abaare 4-ta galabnimo ee saacadda Australia sida ay maamullada sheegeen.
Saddexda qof ee shilka ku geeriyooday oo ay da’doodu u dhexeysa 34 ilaa 65 sano ayaa dhalasho ahaan ka soo kala jeeda Australia ,Switzerland iyo Denmark.