Waxaa ay doorashooyin ku celis ah maanta ka dhacayaan deegaan baarlamaneedyada Juja iyo Bonchari oo ku kala yaalla ismaamullada Kiambu iyo Kisii.
Ammaanka deegaannadan ayaa si weyn loo adkeeyay.
Ciidamada ammaanka ayaa wacad ku maray in ay tallaabo sharciyeed ka qaadayaan cid kasta oo isku daydo in ay codbixiyayaasha laaluushto ama khalkhal abuurto.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa dadweynaha u ballanqaaday in codeynta si habsami leh uu u maareyn doono.
Sidoo kale dadka ayaa doorashada ka qayb galaya iyada oo la ilaalinaya xeerarka iyo talooyinka caafimaad ee lagula tacaalaya cudurka COVID19.
Shacabka codkooda dhiibanaya ayaa sita maaskaro , waa ay kala fogyihiin , sidoo kale waxaa jiro goobo gacmaha lagu dhaqanaya halka la adeegsanaya agabka lagu baaro heer-kulka jirka qofka.