DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo amray in la furo dugsiyada Rift Valley ee loo xiray amni darrada awgeed

0
227

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amar ku bixiyay in muddo saddex bilood gudahooda ah dib loo furo 13 dugsi oo ku yaalla ismaamullada Baringo, West Pokot iyo Elgeyo Marakwet kuwaasi oo amni darro awgeed loo xiray.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa degmada Tot ee ismaamulka Elgeyo Marakwet ka sheegay in dowladdu ay qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinaya in qoysaska barakacay ay dib ugu soo laabtaan guriyahooda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wasaaradda maaliyadda ay bixin doonto lacago dib loogu dhisaya sidoo kalena lagu xoojinaya xasilloonida Waqooyiga Gobolka Rift Valley oo ay saameeyn ku yeesheen falalka burcadnimo ee xoolaha lagu dhaco.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorriyay in ay isku diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka ee SHA isagoo shaaciyay 10-ka ismaamul ee ugu horreeya dhanka diiwaangelinta shacabka ee barnaamijkan.

Bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay wasaaradda waxbarashada shaaca ka qaadday in la xiray 13 dugsi maadaama weerarro burcadnimo oo halkaasi ku soo noqnoqday awgood ay waalidiinta iyo carruurtooda meelo kale u qaxeen.
Arbacadii ayay ahayd markii ay wasaaraddu sheegtay in ardaydii dhiganayay dugsiyada la xiray loo wareejiyay xarumo kale si ay waxbarashada u sii wataan.
Dhanka kale , wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa cid kasta oo uu gacanteeda ku jiro hub sharci darro ah ka dalbaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo wareejiso laamaha ammaanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aynan jirin wax loo aabba yeeli doono marka ay timaaddo la tacaalidda falalka wax u dhimaya xasilloonida bulshada iyo badqabka shacabka.
Murkomen ayaa tilmaamay in uunan tixgelinayn in qofka amni darrada ku howlan uu isaga u dhow yahay ama ay isku deegaan ka soo jeedaan sidaasi awgeedna aan marnaba laga hor istaagi doonin gudashada mas’uuliyadda ka saaran xaqiijinta amniga qaranka.
Waxaa uu sheegay in muddo dheer ay amni darro ka jirtay gobolka Rift Valley oo xita marka madaxda deegaannada kale ee dalka ay codsanayaan in laga caawiyo dhanka horumarka sida waddooyinka iyo caafimaadka ay iyaga codsanayeen in la xalliyo caqabadaha dhanka nabadgalyada.
Murkomen ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii xasillooni buuxda loogu soo dabbaali lahaa gobolkaasi.