DHAGEYSO:Shacabka Taita Taveta oo lagu boorriyey in ay xilli hore iska baaraan kansarka

0
91

Dowladda ismaamulka Taita Taveta ayaa wado olole ay dadweynaha ku wacyigelinaysa muhiimadda ay leedahay in xilli hore la iska baaro xanuunnada uu ka midka yahay kansarka si ay u fududaato daaweyntooda.
Dr. John Mwasia oo ka howlgalo isbitaalka Moi ee magaalada Voi ayaa sheegay in xaruntaasi uu yaallo qalabka lagu baaro kansarka balse shacabka badankoodu ay ka cabsadaan in ay halkaasi tagaan xilliga habboon.