Wasiirka waxbarashada dalka oo sheegay xilliga la shaacinaya natiijada KCSE-da

0
445

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Ogamba ayaa sheegay in natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da la shaacin doona toddobaadka labaad ee bishan Koowaad ee sanadkan cusub ee 2025-ka.
Waxaa uu wasiirka sheegay inuu gabagabo marayo saxidda imtixaanka KCSE-da.
Natiijada lagu dhawaaqi doona toddobaadka labaad ee bishan ayaa ah tan sanadkii hore ee 2024-kii.
Sanadkii hore ee 2024-kii, waxaa imtixaanka KCSE u fadhiisatay arday ay tiradoodu tahay 965,501.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddiisu ay si buuxda ugu diyaargarowday sidii ardayda fasalka sagaalad ee loo yaqaano Grade 9 ee dugsiyada sare ee Junior secondary ay u bilaabi lahaayeen waxbarashada ee sanadkan iyadoo aysan jirin wax caqabad oo la soo tabiyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in lagu dadaalayo in dhammaan fasallada Grade 9 ay diyaar noqdaan xilligii la qorsheeyay.