Maxkamadda oo amartay taliyaha guud ee booliiska iyo agaasimaha DCI-da inay u hoggansamaan amar ay soo saartay

0
345

Maxkamadda sare ee dalka ayaa amartay taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Douglas Kanja iyo agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamiin in ay u hoggaansamaan amar la soo saaray.
Shalay ayay ahayd markii maxkamadda sare ay amartay in si degdeg ah loo soo siidaayo lix qof oo dhallinyaro ah kuwaas oo la sheegay in la xiray ama laamaha ammaanka ay afduubteen.
Garsoore Alexander Muteti ayaa faray taliyaha guud ciidanka booliiska dalka iyo agaasimaha DCI-da inay maxkamdda hor yimaadaan ama ay soo dirsadaan wakiilladooda si ay u sharraxaan sababta amarka maxkamadda aan loogu hoggaansamin.
Waxaa uu garsooraha intaasi ku daray in dhageysiga dacwaddan ay sii socon doonta duhurnimada maanta.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo qareenno ay hoggaaminayaan madaxda mucaaradka ee kala ah Stephen Kalonzo Musyoka, Eugene Wamalwa, Felix Kinton, Ndegwa Njiru, Simon Mburu iyo kuwa kale ay dhaliileen sababta taliyaha guud ee booliiska iyo agaasimaha DCI-da aysan ugu hoggaansamin awaamiirta maxkamadda.
Dhanka kale, senatarka ismaamulka Busia Okiyah Omtatah iyo shakhsiyaad kale oo u ololeeya xuquuda aadanaha oo shalay la xiray xilli ay ka qayb galayeen dibadbax looga soo horjeeday afduubyada ayaa maanta maxkamdda la horgeeyay.