David Maraga oo cambaareeyay afduubyada la soo tabiyay

0
264

Madaxii hore ee cadaaladda dalka, David Maraga ayaa cambaareeyay falalka afduubka ah ee laga soo tabiyay qaybo ka mid ah waddanka.
Waxaa uu ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto arrinkan sharci darrada ah.
Maraga ayaa ku boorriyay dowladda inay xaqiijiso badqabka muwaadiniinta iyo karaamkooda.
Waxaa uu sheegay in dhacdooyinka afduubka la xiriira ay yihiin kuwo sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka waddanka lagu maamulo.
Madaxii hore ee cadaaladda dalka ayaa xusay in sanadkan sii dhamaanaya ay qoysas badan u ahayd sanad murug ah maadaama dhallinyaro badan lawaayay islamarkaana la afduubtay halka qaarkood meydadkooda la helay.
Waxaa uu ku baaqay in loo hoggaansamo shuruucda waddanka lagu maamulo.
David Maraga ayaa qaranka u soo jeediyay inay caddeeyaan sida ay uga go’an tahay u hoggaansanka dastuurka oo uu ku tilmaamay inuu gundhig u yahay sidii loo heli lahaa cadaalad iyo sinnaan.
Baaqa Maraga ayaa ku soo aadaya iyadoo ay sii kordhayaan afduubka loo gaysanaya dhallinyarada dhaliilsan maamulka madaxweyne William Ruto.