Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in labo kiis dheeraad ah oo la xiriira furuq daanyeerka Mpox laga kala xaqiijiyay ismaamullada Mombasa iyo Nakuru.
Tani ayaa xaaladaha guud ee caabuqan ee ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay gudaha waddanka ka dhigaysa 31.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in 31-da kiis ee Mpox laga kala xaqiijiyay 12 dowlad deegaanno ah.
Ilaa iyo hadda waxaa baaritaano maray 2.6 milyan ruux oo socoto ama safrayay.
Kenyaanka ayaa lagu boorriyay in ay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan saabuun iyo biyo socdo ama ay isticmaalaan gacmo-nadiifiyaha loo yaqaano hand-sanitizer.
Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka ayaa dadweynaha kula talinaysa in ay nadaafadda ku dadaalaan oo aynan si dhow ula macaamilin shakhsiyaadka muujinaya astaamaha cudur sidaha Mpox.
Shacabka ayaa lagu boorriyay in aynan wadaagin waxyaabaha shakhsiyeed sida shukumaanka, maacuunta iyo dharka.
Sidoo kale haddii aad iskaga shakiso astaamaha caabuqan sida cuncunka iyo nabraha jirka ka soo baxo waxaad tagaysa xarunta kuugu dhow ee caafimaadka si laguu baaro.