Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mar kale waalidiinta ugu baaqay in ay muhiimad gaar ah siiyaan wanaajinta habdhaqanka carruurtooda.
Waxaa uu waalidiinta , madaxda diimeed iyo siyaasiyiinta ka codsaday in ay mas’uuliyad iska saaraan oo ay ka wada shaqeeyaan sidii loo hagi lahaa jiilasha soo koraya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay ismaamulka Bomet sheegay in dhallinyarada oo si wanaagsan loo toosiyo ay ka badbaadinaysa in ay ku kacaan dhaqamada wax u dhimi kara noloshooda sida shaqaaqooyinka ay ka midka yihiin dilalka loo gaysto haweenka iyo gabdhaha iyo maamulka oo lagu gacan seyro .
Madaxweynaha ayaa sheegay in maadaama da’yarta ay yihiin mustaqbalka waddanka in ay lagama maarmaan tahay in mas’uuliyad wadareed la iska saaro jiheyntooda.
Waxaa uu dhanka kale kenyaanka kula taliyay in ay ka soo horjeestaan siyaasadda kala qaybinta ku saleysan oo ay ku dadaalaan midnimo qaran.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay xoojinta midnimada isagoo shacabka ka codsaday in ay taageeran qorshaha horumarineed ee dowladda sida korontada, waddooyinka, waxbarashada iyo caafimaadka.
William Ruto oo ku baaqay in qaranka loo duceeyo ayaa dhanka kale dadweynaha ugu baaqay in ay Alle uga mahadceliyaan horumarka lagu tallaabsaday.
Waxaa uu muwaadiniinta u bandhigay in ay qiimeeyaan horumarrada ay dowladdu sameysay iyo caqabadihii laga soo gudbay.