DHAGEYSO:Junet Maxamad oo sheegay in aynan mucaaradi doonin dowladda

0
225

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolka Nyanza oo ay hor kacayaan madaxa isbeheysiga Azimio ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad iyo mudanihii hore ee kursi baarlamaneedka Nyatike Edick Anyanga ayaa sheegay in ay si buuxda u taageerayaan maamulka madaxweyne William Ruto.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in shacabka Nyanza ay iyagana u baahan yihiin horumar sidaasi awgeedna aynan dani ugu jirin in ay mar kasta ka tirsanaadaan garabka mucaaradka.
Junet Maxamad ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Nyatike ee ismaamulka Migori sheegay in wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo mucaaradka ay gacan ka gaysatay yareynta xiisaddii siyaasadeed tani oo qaranka u horseedday nabadgalyo iyo xasillooni.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Junet Maxamad ayaa gaashaanka u daruuray baaqa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ee ah in loo baahan yahay mucaarad awood leh.
Waxaa uu tilmaamay in aynan ku biirayn isbeheysi mucaarad oo uu hoggaaminaya Gachagua.