Ugu yaraan 176 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed

0
381

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay shilkiii diyaaradeed ee ka dhacay garoonka magaalada Muan ee Kuuriyada koonfureed.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in ay dhacdadaasi ku nafwaayeen in ka badan 176 ruux.
Shilka ayaa loo aaneynaya cillad ku timid agabkii ay diyaaraddu ku soo degi lahayd.
Muuqaallada baraha bulshada ku faafay ayaa muujinaya diyaaradda oo ku soo dhacday darbi ku yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muan.
Diyaaradda ayaa ka soo duushay caasimadda dalka Thailand ee Bangkok kuna wajahnayd magaalada Muan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddu ay sidday rakaab dhan 181 qof oo kala ah 6 shaqaale iyo 175 rayid ah.
Wakaaladda dab damiska qaranka Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay in 120-ka qof ee ku dhintay ay kala yihin 57 dumar iyo 54 rag ah.
Waxay intaasi ku dartay in shilka ay ka badbaadeen labo ruux oo ka mid ahaa howlwadeennada diyaaradda.
Diyaaradda ayaa shilka ku gashay khadka ay diyaaraduhu adeegsadaan abaare 9.03 ee subaxnimo ee maanta ee saacadda dalkaasi.