Nin loo haysto inuu haweeney ku dilay Nakuru oo xabsiga ku jira

0
335

Dambi baarayaasha dalka ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lala xiriirinayo fal dil ah oo Arbacadii haweeney loogu gaystay deegaanka Bahati ee ismaamulka Nakuru.
Eedeysanaha ayaa loo haystaa inuu si arxan darro ah u dilay haweeneydaasi oo aan weli la aqoonsan islamarkaana uu indhaha ka soo saaray uuna dhaawacyo kala duwan ka gaarsiiyay madaxa iyo caloosha.
Tuhmanaha oo ka shaqeynayay Ngomongo ayaa la sheegay inuu meydka haweeneyda jawaan ku dhex qariyay ka dibna uu sii geliyay qaybta shaqaalaha ee gurigaasi.
Ninkii uu u shaqeynayay ayaa dhacdadaasi ka dib soo wargeliyay saldhigga booliiska.
Haweeneyda ayaa meydkeeda la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Nakuru.
Tuhmanaha oo hadda ku jiro xabsiga ayaa maraya baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin si dacwad dil ah loogu soo oogo.