DHAGEYSO:Dhallinyarada dalka oo qorsheynaya inay Isniinta dhigaan dibadbaxyo looga soo horjeedo afduubka

0
261

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa si weyn u cambaareynaya kiisaska afduubka sii kordhaya ee dalka.
Waxay dowladda ka codsanayaan in ay qaaddo tallaabo degdeg ah oo lagu soo siideynayo dhammaan shakhsiyaadka la afduubtay ama maxkamadda la horkeeno.
Siyaasiyiinta iyo dadka xuquuqda aadanaha udooda ayaa ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqaha aasaasiga ah iyo kuwa dastuuriga ah ee muwaadiniinta.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhallinyarada dalka ay maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe qorsheynayaan in guud ahaan waddanka ay ka sameeyaan dibadbaxyo looga soo horjeeda afduubka sharci darrada ah.