Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasiirrada kala ah Musalia Mudavadi, Aadan Barre Ducaale iyo Salim Mvurya uu si ku meel gaar ugu wareejiyay saddex wasaraadood oo ay sii haynayaan ilaa shakhsiyaadkii loo soo magacaabay ay la wareegaan.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa si ku meel gaar u sii hayn doona wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah.
Waxaa xilka wasaaradda isgaarsiinta dhawaan madaxweynaha dalka u magacaabay barasaabkii hore ee ismaamulka Kimabu William Kabogo oo sugaya in la turxaan bixiyo.
Wasiirka wasaaradda deegaanka, isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sii hayn doona wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha.
Xilkan ayaa loo magacaabay Mutahi Kagwe oo turxaan bixin sugaya.
Dhanka kale, wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dhallinyarada, cayaaraha iyo hal-abuurka dhaqaale Salim Mvurya, ayaa noqon doona ku simaha wasaaradda ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha.
Waxaa jagadan loo soo magacaabay guddoomihii hore ee dowlad deegaanka Nakuru Lee Kinyanjui.
Isbedelladan ayaa waxaa maanta shaaca ka qaaday madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka ahna madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada State House Felix Koskei.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 14-ka bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka turxaan bixin lagu sameeyo saddex qof oo uu madaxweynaha dalka William Ruto dhawaan u soo magacaabay xilal wasiirnimo.
Maalinkaasi ayaa su’aallo la waydiin doono wasiirka magacaaban ee wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha Mutahi Kagwe, dhigiisa Isgaarsiinta William Kabogo iyo Lee Kinyanjui oo loo soo magacaabay wasiirka ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha.