Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya marin dhanka badda ah laga siin doono badda Cas, si ay Itoobiya uga hesho deked ganacsi.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli uu wareysi siiyay warbaahinta Asharq.
“Dariiqa ay Itoobiya ka heli doonto badda cas waa marin ganacsi iyo deked, waxayna hoos tagi doonta dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ma sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan meesha Itoobiya ka helayso marin badeedka badda Cas.
Baaqii ka soo baxay heshiiskii Ankara ayaa qayb ka ahaa in Itoobiya ay marin badeed ka hesho Soomaaliya, iyadoo marinkaas uu noqonayo mid ay dowladda federaalka bixinayso.
Taasi ayaa meesha ka saareysa heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland bishii Koowaad ee sanadkan sii dhamaanaya.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya marin badeed laga siinayo badda Cas