Guddiga maareeya waxbarashada jaamacadaha waddanka ee (CUE) ayaa shaaciyay in aan gudaha Kenya laga aqoonsanayn jaamacadda Northwestern Christian University oo dhawaan shahaado guddoonsiisay xildhibaanka deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu , Oscar Sudi.
Guddigan ayaa bayaan ku sheegay inuu guda galay baaritaanno la xiriira bixinta shahaadooyinka heerka Degree ee jaamacaddan.
Waxaa bayaanka ku cad in xaruntan waxbarasho laga qaadi doono tallaabo sharciyeed marka ay baaritaannada soo idlaadaan.
Waxaa uu guddigu kenyaanka xusuusiyey in bishii 6-aad ee sanadkii hore uu ku wargeliyay in jaamacadda Northwestern Christian University aynan ka diiwaangashanayn dalka sidaasi awgeedna aanan la aqoonsanayn shahaadooyinka laga qaato.
Waxaa kenyaanka lagu boorriyay in ay eegaan shabakadda rasmiga ee guddiga tacliinta sare ee CUE-da si ay halkaasi uga helaan liiska jaamacadaha diiwaangashan ee la aqoonsan yahay.
Jaamacaddan ayaa sidoo kale horay shahaadooyin u siisay xildhibaanka deegaanka Kimilili Didmus Barasa iyo dhigiisa Sirisia John Waluke.
Dhanka kale , guddiga injineerrada waddanka ee (EBK) ayaa jaamacadda faray inuu meesha ka saaro shahaado sharafeedii la siiyay Oscar Sudi maadaama si aan sax ahayn magaca injineer loogu qoray dokumeentigaasi.