Madaxweynaha dalka iyo marwada koowaad oo farrintooda sanadka cusub la wadaagay kenyaanka

0
281

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo marwada koowaad Rachel Ruto ayaa kenyaanka la wadaagay farriintooda ku aaddan xilli fasaxeedka Christmas iyo sanadka cusub ee 2025-ka.
Madaxweyne Ruto ayaa malaayiinta kenyaanka ee rag iyo dumarba ku ammaanay dadaalkooda iyo doorka ay ka qaateen horumarka iyo dhismaha dalka.
Waxaa uu madaxweynaha dalka shaqaalaha caafimaadka waddanka uu u aqoonsaday inay yihiin kuwa ilaaliya wanaagga qaranka, islamarkaana ay shaqadoodu tahay aasaaska caafimaadka.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya waddanka ayaa sheegay in dowladda ay xoogga saarreyso qorshaha hiigsiga ugu dambeyn sanadka 2032-da lagu beeraya ilaa 15 bilyan oo geedo ah.
Tani ayaa la rajeynaya in ay baaxadda keymaha ee waddanka gaarsiiso boqolkiiba 30.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu sii wadaya dadaalkiisa ku aaddan sidii loo heli lahaa guryo qiimo ahaan la awoodi karo, taas oo uu tilmaamay in kor u qaadeyso kobaca dhaqaale ee waddanka.
Dhankeeda, marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto ayaa ka hadashay waayihii ay macallinka ahayd, waxayna hoosta ka xarriiqday inay xaqiijin doonto in gaajo aysan caqabad ku noqon waxbarashada carruurta.
Waxay xustay inay fahansan tahay sida ay u adag tahay in wax la baro ilmo ama carruur gaajaysan.
Kenyaanka ayay ku boorrisay inay beeraan dhir dabiici ah oo dheeraad ah, iyagoo sidoo kale carruurtooda ku korinaya jacayl iyo daryeel.
Madaxweynaha iyo marwada koowaad ee dalka ayaa muwaadiniinta ka codsaday inay xilligan gacanta u fidiyaan oo ay caawiyaan qaybaha liita ee bulshada.
Waxay ugu dambeyn qaranka u rajeeyeen sanad cusub oo barwaaqo ah.