Wasaaradda caafimaadka oo dadweynaha ku boorrisay in ay ka taxaddaraan badqabkooda

0
130

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa soo saartay talooyin ku aaddan in dadweynaha ay xilli fasaxeedkan aad uga taxaddaraan caafimaadkooda iyo badqabka dhanka waddooyinka.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ,Mary Muthoni Muriuki ayaa bayaan ku sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in iyadoo qaar ka mid ah kenyaanka ay dabbaal degayaan oo ay farxadda la qaybsanayaan ehelladooda in aan dhanka kale la fududeysan dhaqamada khatarta ah.
Waxay ku baaqday in si wayn loogu dadaalo nadaafadda marka cuntada la karinaya ka dibna lagu kaydiyo meel nadiif ah iyadoo aan la hilmaamayn gacmo-dhaqashada.
Kenyaanka ayaa lagula taliyay in aynan baabuurta kaxeyn iyagoo daroogo isticmaalay sidoo kalena aynan adeegsan gawaarida aan tayo ahaan wanaagsanayn.
Talooyinka ay wasaaradda caafimaadka siisay shacabka waxaa ka mid ah in la badsado cabidda biyaha.
Sidoo kale , qof kasta oo xanuun dareema ayaa loo soo jeediyay inuu si degdeg ah u raadsado daryeel caafimaad.
Dadweynaha ayaa lagula taliyay in ay tixgeliyan badqabkooda maskaxeed oo uu qofku helo nasasho ku filan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in waalidiinta laga doonaya in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada carruurtooda gaar ahaan marka ay ku sugan yihiin meelaha lagu dabbaasho , webiyada iyo xeebaha.