Ciidamada militeriga Israa’iil ayaa sii wada weerarrada ay ku hayaan isbitaalka Kamaal Adwan ee ku yaalla Waqooyiga Marinka Qaza ee go’doonsan.
Waxay xaruntaasi caafimaad ku qarxiyeen baabuur meel fog laga hagayay.
Weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 20 qof oo isugu jiro bukaanno iyo shaqaale caafimaad.
24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa ugu yaraan 4 ilaalo ah lagu dilay halka in ka badan 26 kalena lagu dhaawacay bartamaha Deir el-Balah.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada Israa’iil ay fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo lala eegtay kolonyo gargaar u siday Falastiiniyiin gaajeysan.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa baarlamaanka waddankaasi u sheegay in horumar laga sameeyay heshiiska xabbad-joojinta iyo in la is dhaafsado maxaabiista u kala xiran Israa’iil iyo Xamaas.
Hasa ahaate, ma uunan shaacin wakhti cayiman oo qorshahan laga dhabeynaya.
Wasiirka difaaca ee Israa’iil, Israel Katz ayaa dhankiisa markii ugu horreysay si cad u qirtay in dilkii loo gaystay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh ay ka dambeysay Israa’iil.
Duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Marinka Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayaa lagu dilay ugu yaraan 45,317 qof halka la dhaawacay muddadaasi 107,713 kale oo Falastiniyiin ah.